Bakhaarka keydka hubka ee ISIS Masar oo la burburshay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Miletariga dalka Masar ayaa sheegay in weerar cirka ah ay ku dileen Hogaamiyaha koox xiriir la eh ururka dowladda Islaamiga, oo ka dagaallama gacanka Sinai, iyo sidoo kale dagaalyahanno badan oo ka tirsan kooxdaasi.

Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabi jirey Abu Ducaa Ansaari lagu dilay hawlgal duqeyn ah oo ka dhacay meel ku dhow degmadda Cariish ee dalkaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay inkabadan 45 dagaalyahano Daacishta Masar kuwaasi oo ku baxay duqeymahaasi, lana burburiyey Bakhaar lagu kaydin jirey Hubka iyo Waxyaabaha qarxa.

Kooxdan ma aysan xaqiijin sheegashada miletariga Masar, taasoo si joogta ah weerarro uga geysan jirtay gobalkaasi muddo sanado ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com