Wasiiro iyo saraakiil Khaatumo ka tirsan oo isku dhiibay Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu qaabilay Wasiiro iyo Saraakiil kasoo goostay Maamulka Khaatumo State.

Maamulka waxa uu sheegay in mas’uuliyiintaasi lagu soo dhaweeyay magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar.

Wasiirada iyo Saraakiisha kasoo goostay maamulka Khaatumo ee u goostay Maamulka Somaliland ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay Wasiirka Dib u dejinta Cali Siciid Reygal.

Mas’uuliyiintaani ayaa horay ula soo baxsatay Gaadiid dagaal iyo kuwo raaxo ah, kuwaasi oo dhamaantooda u gacangalay maamulka Somaliland.

Warbaahinta Somaliland ayaa Baahisay in Mas’uuliyiinta Khaatumo ee ku soo biiray Somaliland oo ay ku jiraan Wasiirro xilal ka haya Maamulka Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Caynabo islamarkaana ay halkaa kula kulmeen Madax ka tirsan Somaliland.

Mas’uuliyiinta la sheegay inay isku dhiibeen maamulka Somaliland ayaa waxaa kamid ahaa:-

1 Wasiirka Aminiga Khaatumo Kayse Abdi Yuusuf

2 Wasiirka Arimaha Dibada Maxamuud Ismail Shabac

3 Ex Wasiirk Hore Yaasiin Axmed Sulub

4 Ex Xildhibaan SSC Hore Xariir Awcali

5 Qurba Joog Bahir Mahdi Xubnin

6 Caaqil Axmed Xasa X Cumar( Xubni)

Dhanka kale Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta gaaray Magaalada Caynabo ee ka socda Maamulka Khaatumo ay yihiin kuwo halkaa wada-hadal u aaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com