Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay eedaha loo jeediyey dugsiyada shabakada Abaarso

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda ka taagan dugsiyada Shabakada Abaarso oo lagu eedeeyey inay fidinayaan Diinta karishtaanka.

Feysal ayaa eedeymaha loo jeedinayo dugsiyada Shabakada Abaarso ku tilmaamay inay yihiin duulaan horumarka Somaliland ka dhan ah.

“Waad aragtaa in guushi aan gaarnay ee adduunka oo dhan inoo soo jeedsaday maanta la doonayo in la xaaraameeyo, iftiinkii inoo baxaba waxa la doonayaa in la dumiyo, waxaana la isticmaalayaa qaar inaga ah” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo warabaahinta la hadlay.

Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in marka laga reebo Sacuudiga ay Somaliland tahay meesha kaliya ee aan lagu arki karin gabdho timo qaawan.

“Somaliland waa meesha kaliya ee marka Sucuudiga laga yimaado, aadan arkayn inan timo qaawan, shaleemo, tiyaatar, shiishad, waa dhul asturan, barakaysan hadana iskuulka caruurtaydu dhigato ayaa la leeyahay waa gaalo, aniga la i yiri kaniisad buu furay” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Qaar kamida dadka baraha bulshada isticmaala ayaa dugisiga Abaarso iyo Jaamacadda hoos tagta ee Barwaaqo ku eedeeyey in macalimiintooda oo ajaanib ah ay ardayda baraan waxyaabo diinta Islaamka ka dhan ah,  taasi oo xukuumada Somaliland, madaxda Shabakadda Abaarso, ardayda iyo waalidiintuba beeniyeen.

Iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysanayeen eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso Network iyo Jaamacadda Barwaaqo ayaa waxaa arrintaas ka jawaabay shabakaddan oo ka hadashay doodaha ka dhashay arrintaas, isla-markaana la isla dhex-marayey baraha bulshada.

Shabakadda dugsiyada Abaarso ayaa soo hadal qaaday eedeymaha culus ee loo jeediyey macalimad Joy Isa, waxayna shaacisay in muuqaallada la baahiyey ay yihiin kuwa hore, islamarkaana ay aheyd xilli ay ka qeyb-qadaneysay adeegyo diimeed gudaha dalka Nigeria.

Sidoo kale shabakadda ay ku mideysan dugsiyada Abaarso ee ku yaalla Somaliland ayaa xusay in Joy Isa ay heshiis kula shaqayneysay, isla markaana aan loo ogolayn in ay ka hadasho arrimo diimeed, sida lagu sheegay warbixinta.

“Waxaanu dhawaan aragnay muuqaalo baraha bulshada la soo galiyay oo muujinaya Isa oo ka qayb qadanaysa adeegyo diimeed gudaha Nigeria, muuqaaladaasi waa wakhti dheer ka hor intii anaan shaqaalaysiin.. waxaanu kalsooni ku qabnaa in walba Isa in aysan jabinin heshiiskii aan la galnay iyo sharciga noo yaala” ayaa lagu yiri warbixinta.