Taalibaan oo go’aan kasoo saartay joogitaanka ciidanka TURKEY ee Afghanistan

Kabul (Caasimada Online) – Turkey ayaa Arbacadii sheegtay inay billowday in ciidamadeeda ay ka saarto dalka Afghanistan, ayada oo ka tanaasushay qorshe ay dooneyso inay ku sugto ammaanka garoonka diyaaradaha Kabul.

“Ciidamada Turkey waxay kusoo laabanayaan dalkooda ayaga oo si guul leh usoo fuliyey shaqadii lagu aaminay,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ay soo saartay ku tiri wasaaradda gaashaandhigga Turkey.

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa ku gacan seyray qorshayaasha Turkiga ee ah inay saldhigyo ka dhigtaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii, isagoo sheegay in Afghanistan aysan u baahnayn ciidamada Turkiga.

“Waxaan dooneynaa xiriir wanaagsan oo lala yeesho Turkiga, laakiin ma doonayno askartooda ku sugan Afhanistaan,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

“Looma baahna ciidamo Turki ah ee ku sugan Afgaanistaan, waxaan awood u leenahay inaan sugno ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabula.”

Turkiga ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ilaalinayay qeybta militariga ee garoonka si looga hortago weerarro dibadda ah. Ankara horaantii xagaagaan waxay ku dhaweyd inay heshiis la gasho Mareykanka si ay u sii waddo howlgalka, laakiin la wareegitaanka Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa si weyn u beddelay duruufaha iyo danaha Turkiga ee Afgaanistaan.

Saraakiisha Turkiga ayaa sahaminayey qaabab ay ku joogteeyaan joogitaankooda dalka iyagoo wada-xaajood la galay Taalibaan si ay u ilaaliyaan danaha ganacsi iyo midda siyaasadeed ee Turkiga.

Ankar ayaa dooneyso inuu kulan dhex maro saraakiisha Turkiga iyo Taalibaan si ay labada dhinac heshiis u gaaraan, waxaana qorshahaan hordhac u ahaa kulankii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu la yeeshay Mullah Abdul Ghani Baradar oo ka mid ahaa aasaasayaashii Taalibaan sidoo kalana ah hoggaamiyaha xafiiska Siyaasadda ee kooxdaan.

Erdogan ayaa toddobaadkii hore si cad u sheegay in Turkigu jeclaan lahaa inuu sii joogo Garoonka Diyaaradaha isla markaasna uu arrintaan kala heshiiyo kooxda Taliban ama dawladda ku -meel -gaarka ah, taas oo sida uu sheegay “xoojin karta mawqifka Taliban” ee fagaaraha caalamiga ah.

Sidaas oo ay tahay shacabka Turkiga ayaa weli ka feejigan howlgallada noocaas ah, iyadoo dhawaan cod aruurin laga dhex sameeyey Shacabka Turkiga ah ay ku dhawaad saddex-meelood laba ka mid ah jawaabeyaasha ay uga soo horjeesteen saldhigga ciidamada Turkiga ee Afgaanistaan.