Xog: Farmaajo oo billaabay dagaal ka dhan ah safarka Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada ee Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu bilaabay dadaallo uu uga hor-tagayo safarka qorsheysan ee la filayo in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku tagaan dalka Sacuudiga.

Xogo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Farmaajo uu adeegsaday qorsheyaal dhowr ah oo uu ku fashilanayo kulanka loo madlanyahay, waxaana ka mid ah dhinacyada ku lugta leh baajinta kulankan, Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo xiriir la sameysay Safiirka dowladda Sucuudiga u jooga Nairobi iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethopia Abiy Ahmed.

Dhawaan madaxda golaha wadatashiga qaranka ee Rooble iyo madax goboleedyada ayaa martiqaad ka helay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, balse Farmaajo ayaa xoogiisa isugu geynaya inuu baajiyo martiqaadkaas, maadaama ay kooxdiisu u aragto inuu khatar ku yahay dib u doorashadiisa.

Dhinacyada ay madaxtooyadu u adeegsaneyso baajinta martiqaadkaas waxaa sidoo kale ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo, maadaama uu uga dhowyahay xiriir ahaan Sacuudiga iyo xulufadiisa.

Sidoo kale wixii ka dambeeyey markii ay soo shaac-baxday casuumaadaan, waxuu madaxweyne Farmaajo cadaadis ku bilaabay madax goboleedyada taabacsan, isagoo ku qancinaya in xilligaan uu dalku doorashada ku jiro aysan aadin safarkaas, balse sida aan xogta ku heleyno Farmaajo weli kuma guuleysan isku daygaas.

Illaa hadda ma cadda in Sacuudigu uu madaxdaan ka gadayo musharax gaar ah, sidii horey looga bartaba dalalka Khaliijka, balse Farmaajo ayaa cabsi weyn ka qaba in madaxdaan taabacsan laga dhaadhiciyo in aysan ku garabsiin sidii dib loogu soo dooran lahaa.

Afartii sano ee Madaxweyne Farmaajo xukunka joogay ma wanaagsaneyn xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya – Imaaraadka iyo Soomaaliya, taas ayaana loo sababeynayaa casuumaadaan uu Sacuudigu u fidiyey madaxda Soomaalida ee gacanta ku heysa masiirka iyo hoggaanka doorashada dalka.