ODAYAASHA rasmiga ah ee 135-ka oo 4 qodob kasoo saaray habraaca doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee rasmiga ah isla markaasna soo dhisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor yimid habraacii doorashada Golaha Shacabka oo ay soo sareen madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay odayaasha dhaqanka ayaa lagu sheegay in duubabka yihiin hey’adda marjaca ugu sareeya hey’adaha dowladda Soomaaliya isla markaasna loo ogolaado inay iyaga soo xulaan xubnaha Baarlamaanka sidaasna lagu doorto madaxweynaha.

“Waxaa nasiibdarro ah oo arrin la yaab leh noqotay in si baalmarsan shuruucda iyo curfiga wadanka u yaal, si aan gabbasho iyo sariigasho toona laheyn layskugu dayo in lagu tirtiro kaalintii duubabaka oo laysku qanciyo in maanta laga tallaabsan karo,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka Odayaasha.

Odayaasha dhaqanka ayaa soo saaray illaa afar qodob oo kala ah:

1- Duubabaka xaqa u leh inay soo xulaan 5-ta qof ee soo xulaya Ergada 101-da ka kooban ee dooranaya Xildhibaanada Barlamaanka ; oday dhaqameedyadaasna waa 135-kii isin ee horey loo ansixiyey saxiixayaashana ka ahad doorashooyinkii hore, intii kale oo ka mid ah odoyaasha dhaqankana ay kula mideysnaayeen.

2- Madaama weli aan loo gudbin doorasho dadweyne “Qof iyo cod” ah oo uu hab-qeybsigu wali beeleysan yahay, awoodda soo xulista xubnaha matalaya beelaha waxaa leh madaxda dhaqanka, lug kuma yeelan karo masuul iyo maamul siyaasadeed. Ciddii isku dayda inay si hareer marsan shuruucda iyo curfiga wadanka u baalmaraan waa mid sinnaba aan looga aqbaleyn meelna gaareyn, waxayna isimadu/odayaasha dhaqanka awood u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan.

3- Waxaan fareynaa Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ) inay dhamaan dib ugu noqdaan qodobada habraacoodil, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha lagu xukumay ergada waa xaqoodii doorasho.

4- Waxaan kula talineynaa dhamaan dhinacyada siyaasadda in loo hogaansamo heshiiyadii hore, damac iyo dano-shaqsiyeed aan wadanka halis loo galin, oo tabtaas oo kale horey u keentay dhibtii la soo maray.