Wax ka qabashada macluusha, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, taageerada hay’adaha dowladda iyo gargaarka bini aadanimo ee Turkigu u fudiyay Soomaaliya ayaa laga xusay Muqdisho iyo Ankar 10 sano ka dib markii Turkigu ku soo biiray Soomaaliya.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa u dabaal dagay xiriirkooda soo koraya oo ka billowday booqashadii taariikhiga eheyd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu ku yimid Muqdisho oo ay dagaalladu aafeeyeen toban sano ka hor bishaan oo kale.
Si loo xuso taariikhdan, Ankara iyo Muqdisho waxay ku dhawaaqeen in ay sannad walba u dabaaldegi doonaan maalinta “Somali-Turkey” oo ku beegan 19-ka bisha Ogoosto, oo ah maalintii ay diyaaradaha Turkigu, ay soo caga dhigteen Aadan Cade International Airport.
Sannadkii 2011 waxa uu ka mid ahaa sanadihii ugu adkaa ee soomara Soomaaliya .waxaa markaas u buuxsamay Soomaaliya 20 sano oo dagaal sokeeye ah, qabqablayaal qabiil, siyaasiyiin iska soo horjeeda iyo Al Shabaab oo ladagaalamaysa maamulka, haddana abaar aad u ba’an aya ku dhufatay bada iyo biriga. Iskusoo wada duuboo, dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa bixiyay qiimaha ugu dambeeya ee ku tumashada sharciga iyo wax -ka -qabad la’aanta deg -degga ah ee gargaarka bani’aadamnimada.
Xataa heerkii gaajada, sawirrada carruurta gaajaysan kuma qancin jilayaasha reer Galbeedka in ay gacan ka geystaan sidii tallaabo loo qaadi lahaa. Waxay joojiyeen gargaarkii, iyagoo ku andacoonaya in uu gacanta u geli karo Al Shabaab waxayna uga tageen ku dhawaad rubuc-milyan oo qof oo badhkood ay carruur yihiin- in ay dhintaan!
Soomaaliya oo ku dhexjirtay dagaal sokeeye iyo macaluul, ayaa aduunku u arkay meel aan la tegi karin.
Haa waa markii uu Turkigu soo galay. Booqasho taariikhi ah, Erdogan oo ay weheliyaan wasiirradiisa, mas’uuliyiinta gobolka iyo diyaarado gargaar bani’aadamnimo ah ayaa ka soo degay Muqdisho bishii Ogosto 2011, waana hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee sidaas sameeya ku dhawaad labaatan sano.
“Musiibada halkan ka socota waxay tijaabo u tahay ilbaxnimada”, ayuu yiri Erdogan kadib markii uu booqday xeryaha ay qaxootigu buux dhaafiyey iyo isbitaallada burbursan ee Muqdisho.
Booqashadan ayaa dhalisay ololihii bani’aadamnimo ee ugu weynaa ee soo mara taariikhda Turkiga. Laba bilood gudahood, deeqaha dadweynaha iyo dhaqaalaha gobolka oo la isku daray waxay gaareen 300 milyan oo doolar. Ankara ayaa sidoo kale abaabushay kulan deg deg ah oo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) waxayna ku qanciyeen wadamada xubnaha ka ah inay urursadaan 350 milyan oo doolar si loogu sameeyo gargaar bini aadanimo.
In kasta oo boqolaal shaqaale gargaar Turki ah, dhakhaatiir iyo mas’uuliyiin kale ay u imaanayeen Muqdisho si ay u dhisaan isbitaallo, hoy, gargaar caafimaad iyo raashin ah oo ay gaarsiiyaan dadka barokacay, Turkish Airlines waxay noqotay diyaaraddii ugu horreysay oo caalami ah oo duulimaad toos ah ka bilowda Soomaaliya muddo ka badan labaatan sano.
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in faragelintaasi ay indhaha caalamka ku soo jeedisay xaaladda Soomaaliya.
“Kaddib faragelintii Turkiga, inta badan ururadii caalamiga ahaa iyo ergooyinkii diblomaasiyadeed ayaa bilaabay inay ka howlgalaan Soomaaliya” ayuu yiri Yilmaz.
Gargaarka bani’aadamnimo ee Turkigu waa uu sii socday xitaa ka dib markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in macluushii dhammaatay 2012. Isla sannadkaas, Soomaaliya waxay ahayd dalka labaad ee ugu badan ee helay gargaarka degdegga ah iyo kan shanaad ee ugu weyn ee guud ahaan gargaarka ka helay Turkiga.
Xulufada Turkiga ayaa ka soo horjeesatay “aragtida adduunka ee ah in dalka Afrika uu yahay goob aan la tegi karin oo lagu garto argagaxiso, rabshado, fowdada iyo faqriga”, ayuu yiri Abdinor Dahir, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Oxford.
Maaddaama kaalmada Ankara “ay dib uga soo noolaysay Soomaali badan geeri ku dhow”, waxay sidoo kale gacan ka geysatay dib-u-dhiska awoodda dowladnimada wadanka oo dagaallo halakeeyeen. Baarlamaankii ugu horreeyay ee rasmi ah muddo ka badan 20 sano ayaa la dhaariyay waxayna xildhibaannadu doorteen madaxweyne cusub doorashadii ugu horreysay ee madaxweynenimo ee ka dhacda Soomaaliya tan iyo 1967 -kii.
Gargaarka degdegga ah ilaa hannaanka dawlad-dhisidda.
Markii la baajiyay saameynta abaartii ba’nayd, Ankara waxay ogaatay in gargaarka degdegga ah kaligiis uusan keeni karin horumar iyo xasilooni waarta. Sidaa darteed, Turkigu wuxuu ballaariyey hawlgalkiisa, isaga oo qaaday hawlo ballaaran oo isugu jira mashaariic bani’aadamnimo, gargaar horumarineed iyo dawlad-dhisida Soomaaliya oo waqti dheer burbursaneed.
Dhibaatooyinka soo noqnoqonaya laguma xallin karo gargaar degdeg ah oo keliya, ayuu yiri Mehmet Yilmaz, safiirka Turkiga ee Soomaaliya.
“Dawlad-dhisidda iyo horumar waara ayaa ah xalka muddada fog si looga hortago dhibaatooyinka in ay dib u soo noqdaan. Aasaasidda iyo joogtaynta awoodda dawladda waxaa suurtogal ah oo keliya marka la helo qalab ammaan oo xooggan. Sidaa darteed, waxaan mudnaan siinnay fikradahaas, ”ayuu Yilmaz u sheegay TRT World.
Tan iyo markaas, iyada oo hay’adaha dawladda Turkiga iyo kuwa aan dawliga ahayn ay Soomaaliya ka wadeen qaybinta gargaarka, Turkigu wuxuu beddelay caasimadda isagoo bilaabay mashaariic waaweyn oo kaabayaal ah, oo ay ku jiraan waddooyin caasimadda, dugsiyo, isbitaallo iyo hay’ado dawli ah iyo dhismaha xarunta baarlamaanka.
Iyadoo Soomaaliya ay mudnaanta sare siisay siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, Ankara waxay ka dhistay caasimadda Soomaaliya safaaradda ugu weyn ee Turkiga. Shirkadaha Turkiga waxay dib u dhis ku sameeyeen dekedda Muqdisho, gegida dayuuradaha waxayna sugeen qandaraasyo lagu maamulayo laguna dayactirayo labadaba oo ah ilaha dhaqaalaha ee ugu waaweyn dalka.
“Waxa kaliya ee ay Ankara saxday ayaa ah in dib -u -habeynta diblomaasiyadda bani’aadamnimada loo beddelo hawlgal laba geesood leh oo leh saameyn dhinacyo badan leh. Habkani wuxuu tilmaamayaa baahida loo qabo in la dhiso awoodda dawladnimada Soomaaliya si loo bixiyo adeegyada qaybaha caafimaadka, waxbarashada iyo amniga, ”Dr Mohammed Ibrahim Shire, oo bare sare ka ah Portsmouth ayaa u sheegay TRT World.
Aragtida dadweynaha ee gargaarka Turkiga, waxa uu wax weyn ka beddelay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo aan helin adeegyo dowladeed tan iyo burburkii dowladdii 1991 –kii ayuu ku dooday Dr Shire.
Isbeddel lagu sameeyo ciidanka milateriga Soomaaliya.
Intii uu dagaalku socday, Turkigu wuxuu ballanqaaday inuu kor u qaadayo awoodda ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aan tabar lahayn oo muddo dheerna u halgamay sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al Shabab iyaga oo wajahaya diyacaad xooggan oo uu wehliyo musuq maasuq baahsan.
Ankara waxay hadda ku tababaraysaa kumanaan ciidan milateri iyo boolis gaar ah Xerada TurkSom, oo ah saldhigga milatari ee ugu weyn Turkiga ee dibadaha oo laga furay Muqdisho 2017.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Gorgor (The Eagles) Commando Brigade ayaa tababarkii ugu horeeyey ku qaatay TurkSom kadibna waxay ka diiwaangashan yihiin barnaamijyada tababarka kumaandooska magaalada Isparta ee koonfur -galbeed Turkiga. Ankara waxa doonaysaa in ay tababarto saddex meelood meel ciidamada qaranka Soomaaliya.
Ciidamada Gorgor ee uu Turkigu tababaray ayaa muujiyay kartidooda wax-ku-oolka ah markii ay qabsadeen magaalo Jannaale sannadkii hore, oo ahaan jirtay saldhiga hawlgallada Al Shabab, sida uu qabo Dr Ibraahim Shire.
“Doorka Turkiga ee dib-u-dhiska hay’adaha amniga ee Soomaaliya kuma koobna oo keliya ujeeddada dhow ee ah in la qaado hawlgallo liddi ku ah Al-shabaab laakiin wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in Soomaaliya ay gaarto isku-filnaansho xagga amniga si loo yareeyo joogitaanka ciidamada shisheeye ”, ayuu yiri.
Turkigu wuxuu sidoo kale lacag caddaan ah ku taageeraa dhaqaalaha Soomaaliya. Bishii Nofembar ee la soo dhaafay, Turkiga ayaa ku dhawaad 3.4 milyan oo doollar oo deynta Soomaaliya ah ka siiyey Sanduuqa Lacagta Adduunka. Ankara ayaa bishan ku dhawaaqday $ 30 milyan oo si toos ah ugu deeqday Soomaaliya taas oo bil walba la bixin doono 2.5 milyan oo doolar.
Xiriirrada ayaa aad isugu soo dhawaaday sanadihii la soo dhaafay sidaa darteed Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo waxbartay ee Turkiga Cabdulqaadir Muxamed Nuur ayaa ku kaftamay “been ma aha in la yiraahdo Turkigu wuxuu noqday luuqadda labaad ee Soomaaliya”.
Toban sano ka dib, yaa helay maxaa la helay
Booqashadii taariikhiga ahayd ee Erdogan ee Soomaaliya waxay astaan sare u ahayd Turkiga, sidoo kale. Waxay timid xilli Ankara ay isu soo bandhigayso in ay tahay dowlad awood leh oo saamayn ku leh gobolka. Erdogan, intii uu booqashada ku guda jiray, wuxuu ku dhaliilay waddamada reer Galbeedka ina y ku guul -darreysteen wax u qabashada shacabka Soomaaliya wuxuuna hoggaamiyay olole laga sameeyay Turkey oo dhan lagu taageerayo ‘walaalaha muslimiinta’ inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Iyada oo gargaarkii Turkigu si joogto ah u soo gaarayay Soomaaliya isaga oo xambaarsan farriimo midnimo islaami ah, dalka Afrika ayaa sannadihii la soo dhaafay noqday rukunka Turkiga iyaga oo adeegsanaya waxa loogu magac daray “Qaabka Turkiga” oo ah isku dara maamulka dimuqraadiyadda iyo qiyamka Islaamka oo leh qorshayaal horumarineed iyo hiigsi .
Ka -qeybgalka Soomaaliya ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay sumcadda Turkiga ee qaaradda Afrika.
“Soomaaliya waxay noqotay albaabka Turkiga ee Afrikada Saxaraha ka hooseysa, taasoo fursado cusub u abuureysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Ankara ee gobolka, waxayna sare u qaadeysaa maqaamkeeda jilaa caalami ah”, ayuu yiri Daahir.
Xagga ganacsiga, dhoofinta Turkiga ee Soomaaliya waxay gaartay in ka badan 200 milyan oo doollar sannadkii hore iyada oo shirkado Turki ah ay dalka geliyeen $ 100 milyan.
kaalmada Turkigu waxay gacan ka geysatay ka hortagga macaluusha ee Soomaaliya, sidoo kale waxay si weyn gacan uga geysatay geeddi-socodkii dawlad dhisidda Soomaaliya colaada ka dib.
Turkiga, si ka duwan jilayaasha reer Galbeedka, kuma xiro shuruudo barnaamijyada horumarineed ee Soomaaliya. Dhinacaas, Daahir wuxuu yiri, oo ay weheliso dabeecadda jireed ee xiriirka deeq-bixiye-yaasha iyo ka mid noqoshada mashaariicda ayaa ka dhigaysa saameynta Turkiga ee Soomaaliya mid wax ku ool ah, saamayn leh oo la isku haleyn karo.
Saamaynta sii kordhaysa ee Turkigu ku leeyahay Soomaaliya waxay qayb ka tahay siyaasadda jilicsan ee Ankara ku wajahayso Bariga Afrika. Turkiga ayaa wanaajiyay xiriirkii uu la lahaa quwadaha gobolka sida Itoobiya iyo Kenya oo labaduba dano ka leh Soomaaliya kana qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah Al Shabab. Xitaa marka ay ugu sarreyso murannada gobolka, Ankara waxay maamushaa cirifyada gobolka. Dhawaan, iyada oo Muqdisho iyo Nairobi ay xiriirka isku jareen muranka badda ee socda awgeed, Kenya waxay 118 baabuur dagaal oo hubaysan oo lagu magacaabo ‘Xizir’ ka dalbatay soo -saaraha Turkiga ee Katmerciler. Itoobiya gudaheeda, Ankara waxay mudnaan siineysaa iskaashiga dhaqaale maadaama ay tahay tan labaad ee ugu weyn ee maalgashade shisheeye ku leh dalka ka dib Shiinaha oo leh ku dhawaad 200 oo shirkadood oo Turki ah.
Caqabadaha Joogtada Ah
Taageerada Turkiga ee dowladda Soomaaliya ayaa ka careysiisay Al Shabab iyadoo kooxdu ay sannado badan weerarro ku qaadaysay injineerada, shaqaalaha, safaaradda Turkiga iyo saldhigga ciidamada. Sidaa darteed, kooxdu waxay weli tahay halista ugu weyn ee hay’adaha Turkiga ee dalka.
“Caqabad kale waxay ahayd nuglaanta dowladnimada Soomaaliya iyo xasillooni -darrada siyaasadeed ee ka dhalatay… laakiin illaa hadda Ankara waxay dhex -dhexaad ka tahay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya oo inta badan qasan”, ayuu yiri Daahir.
Si kastaba ha ahaatee, kala fogaanshaha qotada dheer ee siyaasadda Soomaaliya ayaa caqabad ku noqon karta mowqifka dhexdhexaadnimada ee Turkiga. Horraantii sannadkan, markii uu dalku galay qalalaase siyaasadeed oo ku saabsan muddo-kordhinta madaxweynaha, xubnaha mucaaradka ayaa bartilmaameedsaday Ankara, iyagoo ku andacoonaya in ciidammada Turkiga tababaray loo adeegsaday in lagu caburiyo mudaaharaadyada. Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga oo ka jawaabaya, isagoo xusuusinaya in ciidamadu ay mas’uul ka yihiin dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ankara lagu soo rogay khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah laakiin ay sii wadi doonto taageeridda daacadnimada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha gudaha ee Turkiga ayaa laga yaabaa inay caqabad ku noqdaan kororka hamiga ah ee Ankara ee Bariga Afrika kaas oo lagu saleeyay koboc dhaqaale oo cajiib ah. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xasilooni darrada ka jirta dalka deriska la ah ee Siiriya, hoos u dhaca dhaqaale ee socda iyo xiisadda lacagta ayaa laga yaabaa inay xaddiddo baaxadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee gobolka.
Source: TRT World
Waxaa turjumay: Mowlid Mo’allim Adam