27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

FAYSAL Cali Waraabe oo sir kashifay: Wadahadallada Somaliland & DF waxay saameeyeen madaxbannaanida S/L

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) Guddoomiyaha mucaaradka UCID  ee Somaliland Eng Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arrimo badan isagoona eed u jeediyay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Feysal Cali Waraabe oo la hadlay Talafishanka Universal ayaa sheegay in Somaliland ay dhibaato kala kulantay wadahadalladii ay la gashay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in waddamada caalamka iyo kuwa dariska ay billaabeen in ay ula dhaqmaan maamulka Somaliland sidda maamul gobaleed qaatay nidaamka fedaraalka.

“Annigu waxaan ka mid ahaa dadkii dhisay Somaliland, sidaas oo tahay haddana waxaa ogaaday in Somaliland ay hadda ku socoto wado aad looga naxo, waayo waddamo dhowr ah oo aan soo maray waxaaba ay na lee yihiin Somaliland haddii aad tihiin ma dhaqan galiseen nidaamka fedaraalka”

“Waa la yaab annagu dal ka go’ay Soomaaliya ayaan nahay oo madax banaani raadinaya” ayuu markale yiri Feysal Cali Waraabe.

Wuxuu kaloo sheegay hoggaamiyaha mucaaradka UCID in deeqihii iyo gargaarkii Somaliland ay ka heli jirtay waddamada caalamka hadda ay ku xiran yihiin in ay qaadato nidaamka fedaraalka Soomaaliya oo ay rabto in ay meel mariso dowladda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo soo dhaweeyay Feysal Cali Waraabe heshiiska u bilowday Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Sidoo kale Feysal Cali Waraabe ayaa ka dhawaajiyay in wafuudii caalamiga ee imaan jirtay deegannada Somaliland ay yaraadeen markii dalka Soomaaliya uu yeeshay dowlad rasmi ah.

Ugu dambeen hoggaamiyaha mucaaradka UCID ee Somaliland wuxuu weerar kuq aaday madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna ku eedeeyay in maamulkiisa uu ku soo koobay dad ay isku reer yihiin sida uu hadalka u dhigay, isla markaana isaga laga reebay wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News