Filim sameeye MUUQAAL jees jees ah ka sameeyay Sisi oo xabsiga ku dhintay

Qaahira (Caasimadda Online) Shady Habash oo ahaa filim soo saare u dhashay dalka Masar ayaa xabsiga ku geeriyooday kadib markii uu cabay Khamri Sumeysan sida ay sheegtay dowladda.

Shaqsigaan caanka ah ayaa la xiray kadib markii uu muuqaal jees jees ah ka sameeyay madaxweynaha talada wadanka Masar haya ee Cabdul Fataax Al Sisi.

Sida lasoo wariyay Habash ayaa ku geeriyooday xabsiga Tora ee ku yalla magaalada Qaahira kadib markii uu si qaldan u cabay dareeraha gacmaha lagu dhaqdo oo ay ku jirto maaddo khamri ah.

Sababta dhimashadiisa waxaa sheegay dacwad oogaha guud ee dalka Masar kaas oo arrinta Shady Habash loo xilsaaray.

Jeermis dilaha uu isticmaalay wuxuu ahaa mid loogu talagalay maxaabiista si ay gacmaha ugu dhaqdaan wuxuuna ka mid yahay ololaha looga hortagayo cudurka Coronavirus ee dunida gilgilaya sida uu sheegay dacwad oogaha.

Waxaa lasoo wariyay in Habash la xiray sanadkii 2018 iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn, eeda uu xabsiga ku muteystay waxaa lagu sheegay inuu faafinayay warar been abuur ah iyo inuu ka tirsanaa urur argagixiso taasoo kiiskiisa sii cusleysay.

Dhanka kale ninka geeriyooday ayaa horay u beeniyay inuu sameeyay muuqaalka lagu eedeeyay ee ah inuu ku jees-jeesay madaxweyne Sisi, waxaana sidoo kale jirta in kooxaha u doodaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen inuu waayay gar-gaar deg-deg ah taasna ay sababtay inuu xabsiga ku dhex geeriyoodo.