Filimka Maanta: Daawo mid ka mid ah filimadii ugu shactirada badnaa

Waxaan maanta halkaan idinkugu soo gudbin doonaa muuqaalka filimka Phir Hera Pheri dufcaddiisii labaad oo lasoo daayey 9kii bishii June sannadkii 2006dii. Iyadoo dufcaddiisii seddaxaad la qorsheynayo inay soo baxdo goor dambe oo sannadkaan ah.

Waxaana filimkaan hogaaminaya seddaxda saaxiib ee looga haray shactirada Akshay Kumar, Sunil Shetty iyo Paresh Rawal.

Seddaxdooda ayaa jilaya seddax saaxiib oo faqri ah oo u baahan lacag si ay u noqdaan mooryaan. Waxaana xusid mudan inaan maalin kasta qeybtaan arrimaha bulshada idinkugu soo gudbin doono hal filim oo ah Hindi ama Maraykan, si la mid ah Japan.