Wax walba oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato filimka ‘Hera Pheri 3’ iyo xilliga lasii deyn doono

Esha Gupta ayaa markale gashan doonta kobaheeda qoobka ciyaarka iyadoo baraneysa seddax nuuc oo ciyaarta qoobka ciyaarta ah balse keliya ay caloosha ka ciyaari doonto waana ciyaarta nuuca Hip Hop iyo Jazz, xilli ay isku diyaarineyso filimka soo socda ee ‘Hera Pheri 3’.

Atariishadaan ayaa filimkaan ku lahaan doonta door qoobka ciyaar ah si la mid ah door shactiro ah, waxaana durba la barayaa qoobka ciyaarta nuuca looga baahan yahay filimkaan.

Waxaa looga baahan yahay inay soo bandhigto qaabab kala duwan oo qoobka ciyaar ah, waxayna durba baraneysaa sidii ay dhaqdhaqaaqaas u sameyn laheyd filimka ‘Hera Pheri 3’.

Filimkaan ayaa waxaa agaasime ka ah Neeraj Vora, halka uu soo saare ka yahay Feroz Nadiadwala, waxaana qisadiisa qoray Neeraj Vora.

‘Hera Pheri 3’ oo la baahin doono 18ka bisha December ee sannadkaan 2015 ayaa waxaa hogaamin doona atooreyaasha Sunil Shetty, John Abraham iyo Abhishek Bachchan, si la mid ah atariishada  Esha Gupta, waxaana ku jira ragga looga haray shactirada ee Paresh Rawal iyo Kader Khan, waxaana muusiga ku farayareysan doona waaya aragga Anu Malik.