Shan nuuc oo qudaar ah oo ay tahay inaad isticmaasho xilligaan nasashada ee xagaaga

Wax ka fiican ma jiraan inaad markale iska dhigto mid faxfax ah xilliga xagaaga waxaana la helay shan nuuc oo qudaar ah kuwaasoo kaa dhigi kara mid kasii wanaagsan sidii hore isla markaana leh faa’iido caafimaad. Halkaan ayaana kusoo qaadanay shantaas nuuc ee qudaarta ah. Iyadoo uu warbixintaan daabacay wargeyska The Times Of India.

Wargeyska ayaa sheegaya in nuuca ugu horreeya shantaan nuuc ee qudaarta ah ee isticmaalkoodu uu faa’iidada leeyahay xilliga xagaaga uu yahay cananaaska. Waxaana ku jira vitamin A iyo vitamin C, calcium, phosphorus iyo potassium. Waana unugyo kuu wanaagsan.

Nuuca labaad waa qaraha, waxaana ku jira curiyeyaasha Potassium, Antioxidants, Carotenoids, Vitamin A, B6, iyo Vitamin C, Calcium iyo Fiber. Wuxuuna u wanaagsan yahay aragta indhaha oo liita iyo xitaa wadne xanuunka. Kan seddaxaad waa qumbaha, halka kan afaraad uu yahay cambaha midka shanaad ayaana lagu sheegay Strawberry.

Isticmaalka shantaan nuuc ee qudaarta ah ayaana quburo caafimaad sheegtay inay wanaagsan, gaar ahaan xilliga xagaaga.