FILISH oo digniin iyo amar kasoo saaray arrin muran badan ka dhalisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa si adag uga hadlay xarumo magaalada Muqdisho ka billaabay wax-ka-bedelka qaab-jireedka dumarka, taasi oo muran badan dhalisay.

Guddoomiye Filish ayaa ugu horeyntii sheegay in uusan kasoo horjeedin in dumarka is qurxiyaan, hase yeeshe aysan aqbali doonin maamulkooda wax kasta oo ka hor-imaanaya dhaqanka iyo Diinteena.

Waxa uu sheegay in ay albaabada u laabeen xarumo lagu weeyneynayo bishimaha dumarka, isagoona digniin u diray xarun kasta oo caafimaad oo isku deyda inay arrintaas billowdo, taasi oo uu sheegay inay xiri doonaan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in goobaha Ganacsiga markii ruqsada la siinayo aysan si faah-faahsan u sheegin waxyaabaha ay qabanayaan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ruqsada lagala laaban doono goob kasta oo lagu arko arrintaas.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaysa xili labo cisho ka hor ay dowladda federaalka Soomaaliya albaabada isugu dhufatay xarun dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, taasi oo ay xoog ku galeen ciidamada.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha bulshada, gaar ahaan kuwa Soomaalida qabsaday muuqaalada gabdho ku faanaya in faruuryaha loo weeynayey iyo qeybaha dambe, midaasi oo sharci ahaanteeda dood ka dhex dhalisay bulshada.