Sheekh Cali Dheere oo soo saaray war xasaasi ah oo ku socda beelaha Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa soo saaray digniin uu sheegay inay ku socoto guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isagoo uga digaya inay la macaamilaan ‘gaalada’ sidoo kalena ay ku lug-yeeshaan doorashooyinka dalka ka socda.

Waxa uu sheegay in cidii ku lug yeelata doorashooyinka dowladda dhexe ama dowlad goboleedyada ay dagaal u dhaxeeya xaqa iyo baadilka uga biirtay dhanka baadilka, sida uu hadalka u dhigay Cali Dheere.

“Odayaasha beelaha waxaan uga digeynaa shirqoolka loo maleegay in aysan ku dhicin, iyagoo fiirsanaya sandareerada yar ee la siinayo, aan idin weydiiyeen kuwii idinka horeeyey maxay ku tartay dowladii ay soo dhiseen, waxay noqdeen qaar dhintay iyo qaar meel ay ku noolaadaan weysan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sababta ay Al-Shabaab u beegsadeen odayaashii soo dhisay dowladii tan ka horeysay ay tahay inay cadaw kala safteen kooxda, balse ay ka difaaci weysay dowladii ay soo dhiseen, sida uu hadalka u yiri.

“Waxaan digniin u jeedinayaa qabaa’ilka Soomaaliyeed, feejignaan dheeri ah muujiya oo cadawgu yuusan idinka faa’iideysan, isagoo idiin adeegsanaya diintiina iyo dalkiina si uu deeqdiina u qaato, waxaan ognahay in hub la isugu kiin dhiibay, si aad isku leysaan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Sidoo kale Cali Dheere waxa uu sheegay in qof kasta oo gacan ka geysta faafinta waxa uu ugu yeeray ‘dimoquraadiyadda’ uu yahay “Murtad diinta Islaamka banaanka ka jooga” kooxduna ay beegsan doonto, sida uu hadalka u dhigay.