Khabiir Soomaaliyeed oo laf-dhabar u ahaa dacwadda baddeena oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, taas oo hadda hortaal ICJ.

Allaha u naxariistee geerida ku timid Injineer Saalixi waxaa xaqiijiyey xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Mahdi Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in Injineer Maxamed Cumar Saalixi uu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee ka dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya,

“Marxuumku wuuu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. “Isagoo dalkiisa ugu shaqeeyay si hagar la’aan ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Marxuumka waxaa kale oo uu ahaa khabiir aqoon durugsan u leh cilmiga badda, isla-markaana ahaa shakhsiga kaliya ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf, sidoo kalena wuxuu ahaa la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada.

AUN Injineer Saalixi ayaa dadka ay soo wada-shaqeeyeen waxa ay sheegeen inuu ahaa shaqsi aad u dhowrsan, Af-gaaban, sidoo kalena aamin ah.