TAALIBAAN oo hareereysay Ahmed Mascud iyo ciidankiisa

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taalibaan ayaa ku dhowaaqay in dagaalyahanadooda ay hareereeyeen gobolka ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Panjshir, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad uu wato Ahmed Mascuud, oo uu dhalay hoggaamiyihii caanka ahaa ee la dagaallamay kooxdaas ee Ahmed Shah Masoud.

Amir Khan Motaqi oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa shaaciyey in ay isku fidiyeen hareeraha gobolka kaliya ee ka soo horjeeda maamulkeeda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay kooxda ka soo horjeeda inay si nabad ah isku soo dhiibaan, iyaga oo ka faa’iideysanaya cafiska ay kooxda fidisay, kadib la wareegitaankeeda Kabul.

“Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay hoy u tahay dhammaan dadka reer Afgaanistaan,” ayuu yiri Amir Khan Motaqi.

Hoggaamiyahan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Taalibaan ay dadaal badan samaysay, si ay wada-xaajood ula gasho hoggaamiyeyaasha xoogagga mucaaradka ee Panjshir, laakiin wuxuu shaaciyey inaan wax natiijo ah laga gaarin, taas oo uu ku tilmaamay “nasiib darro”.

Si kastaba ciidanka uu hoggaaminayo Ahmed Mascuud oo uu dhalay hoggaamiyihii hore ee la dagaallamay Taalibaan Ahmed Shah Masoud iyo dhowr kun oo ka tirsan malayshiyaadka dooxada Panjshir iyo haraadiga ciidankii Afghanistan ayaa hada la dagaallamaya Taalibaan.