Finland oo Soomaaliya kala hadashay arrin aan laga fileyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa ka warbixiyay booqasho uu Jimcihii kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay madaxda sare ee dalka.

Pekka Haavisto oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in madaxda dowladda uu kala hadlay arrimo ku aadan dagaalka Ukraine, taasi oo aan la fileyn in wax laga weydiisyo Soomaaliya, maadaama aysan wax saameyn ah ku laheyn.

Wasiirka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday in dowladdiisa ay kaalin ka qaadato xal u raadinta colaadda daba dheeraatay ee ka socota dalka Ukraine, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee waddanka Finland.

“Waxaan la socodsiiyay madaxda Soomaaliya muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka taageerto beesha caalamka dadaallada lagu soo afjarayo duullaanka Ruushka ee Ukraine,” ayaa lagu yiri bayaanka Pekka Haavisto.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan qoraalka kasoo baxay Finland ee ay ku shaacisay in Soomaaliya ay kala hadashay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in  labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo ku aaddan xoojinta xiriirka labada dowladood.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Huruuse oo faahfaahiyay wadahadalkaas ayaa dhankiisa boggaadiyay kaalinta Finland ee nabad dhiska iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Wada hadallo hordhac ah oon yeelanay waxaan bogaadiyay kaalinta dowladda Finland ee nabad dhiska, xasiloonada iyo martigelinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sii raaciyay “Finland horay ayay dalka u joogtay, Safaaradna way ku leeyihiin, Mashaariic badan oo ay naga caawiyaan oo ay ka shaqeeyaan way jirtaa, wafdigaan muhiimad gaar ah buu u leeyahay, In Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Finland uu soo booqdo Soomaaliya taasi waxay sii xoojneysaa Iskaashiga naga dhaxeeya”.

Si kastaba, Finland ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxayna taageero siisaa dowlada federaalka.