Fiqi dalab culus u gudbiyey R/W Kheyre iyo wasiiradiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayey kulanka golaha shacabka ayaa codsaday in xukuumadda federaalka ah Soomaaliya ay la timaado qorshe sanadeed la mid ah miisaaniyadda, si loogula xisaabtamo sanad walbo dhammaadkiisa.

Xildhibaan Fiqi, oo arrintaasi ka hadlayey wuxuu yiri “Barmaamijka xukuumadda sanadkii hore si degdeg ah ayaa lagu keenay, warqadu runtii nuxurkoodu aad u liito, aad u yaryar, oo aan ka tarjumeyn caqabadaha iyo shaqooyinka laga rabo xukuumad Soomaaliyeed, marka waxaan ku dari lahaa, in sanad walbo qorshaha cusub ama barnaamijka sanadkaas la joogo..’

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waxaa uu soo-jeediyey inay sanadka soo socda ee 2019-ka ka bilaabaan xukuumadda soo gudbinta qorshaha “ Tusaale, 2019-ka ayaa noo bilaabaneysa, qorshaha xukuumadda ee sanadka 2019-ka in la keeno sanadkaas, si sanadkan aakhirkiisa xukuumadda loogula xisaabtamo ay u cadaadaan”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ka digay in duubduub wax walbo loo qaato, taasina ay sahli karto in xukuumadda iska qabato wax cusub oo aan lagu ballamin.

“Laakin sidii hore haddii ay tahay si duubduub ah ayaa loo keenay, makala go’neyn, tafasil mala heyn, wax cusub oo aan ku qorneyn, oo tiro badanna waa socdaan hadda oo ka duwan wixii la soo gudbiyey, marka in qorshaha si miisaaniyadda loo sarifaayo, oo sanad sanad looga dhigaayo, in qorshaha xukuumadda ee sanadkaasna la soo raacsiiyo.

Arrinta uu xildhibaanka ka hadlayo ee xukuumadda inay lahaado barnaamij sanadeed la ogyahay waxaa ay ka jirtaa dunida inteeda kale, laakin xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ay xildhibaannada u qeybisay qorshe 4 sano ah oo dheer, oo aaney muuqan wax ka qabashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com