Mowqifka dowladda Kenya ee ku aadan Khiaafka DF & maamulada oo cadaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenka Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si cad u muujiyey mawqifka dowladiisa ay ka qabto khilaafka Soomaalida u dhexeeya.

Ducaale oo wareysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira labada dowladood ee jaarka ah, oo ay ka mid ahaayeen amniga, khilaafka badda iyo xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Mar la weydiiyey sida uu u arka khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Federal-ka iyo Maamul Gobolleedyada waxa uu Aadan Barre Ducaale sheegay in mabaa’diida dowladda Kenya ay ku dhisan tahay tahay in ay xushmeeyaan dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, Aadan Barre Ducaale waxa uu sheegay in maadama uu yahay siyaasi Soomaali ah uu jecel yahay in Soomaalida is xalliyaan oo ay maamul gobolleedyada la shaqeeyaan dowladda Muqdisho ka dhisan.

Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada waxa uu soo jiitamayey muddo bilo ah waxa uuna hadda gaaray meeshii ugu xumeyd. Hase ahaatee, waxaa socda dadaalo lagu xallinayo oo uu wado Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Hadalka Aadan Barre ayaa imanaya ayadoo warar ay sheegayaan in dowladda Kenya laga yaabo inay madax goboleedyada Soomaaliya ka joojiso shirarka ka dhanka ah dowladda dhexe, oo ay ku qabsadaan magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com