FIQI: Inta nooga dhimata xabadaha iyo dagaalka waxaa ka badan inta ku dhimata…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo ka qeyb-galay shirweynaha 1-aad ee tayo-dhowrka qaranka ayaa sheegay in bulshada intooda badan ay u geeriyoodaan badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo iyo daragooda.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in wasaaradiisa ay door muuqda ka qaadan doonto sidii ay ula shaqeyn lahayd hay’adda Tayo-dhowrka qaranka, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ay u leedahay qaranka.

“Waxaa ay mas’uuliyad naga wada saarantahay ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxa aan ka qeyb qaadan doonaa ulajeedooyinka loo aasaasay Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Inta xabadaha iyo dagaalada nooga dhinta maalin walba in ka badan ayaa inooga dhinta daroogada iyo cunnooyinka aan la koontoroolin ee dalka soo gala.”

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku booriyey hay’adda sidii looga taxadiri lahaa, islamarkaana loo hubin lahaa badeecadaha iyo dawooyinka soo galaya dalkeena.

“Hay’adda waxay Qaranka Soomaaliyeed u tahay difaac adag oo looga hortagi karo wax kasta oo nolosha Ummaddeena halis gelin kara, gaar ahaan sidii loo hubin lahaa badeecadaha iyo dawooyinka dalkeenna soo galaaya.”

Wasaarada arrimaha gudaha iyo hay’adda tayo-dhowrka qaranka Soomaaliya ayaa ka wada-shaqeeya isku-xirka barnaamijdka xuduuduha dalka, iska kaashiga hay’ada ka shaqeeya iyo isku xirka maamul goboleedyada dalka.