GALMUDUG oo deegaan cusub kala wareegtay Shabaab

Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada daraawiishta Galmudug oo kaashanayaa kuwa dowladda ee ka howlgalka deegaanada maamulkaasi ayaa maanta si wadajir howlgal uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Howlgalka oo ah mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku qabsadeen deegaanka Qaayib oo hoostaga magaalada Cadaado, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa ku eedeeyey Al-Shabaab in ay burburisay xarumihii isgaarsiinta ee deegaanka Qaayib iyo sidoo kale ceel biyoodkii ku yaallay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada huwanta ay isku fidiyeen duleedka magaalada Cadaado, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ujeedka uu yahay in la gaaro degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socdo kacdoon shacab oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo deegaano horleh ay ku qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.