Fiqi: Macquul maaha intan ka badan, Farmaajo waa inuu godka kasoo baxaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Siyaasiyiinta aan ku qanacsaneyn habka ay Dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fiqi ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Qaraxyadii iyo weerarkii ka dhacay Maanta Magaalada Muqdisho, wuxuuna si gaar ah uga tacsiyeeyey dhimashada Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha kana mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya Marxuum Saqar Ibraahim.

Fiqi ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu kasoo baxo godka uu ku jiro isla markaasna uu iska dhaaf is qarinta uu wado sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu Farmaajo u sheegay inaan dalka lagu sii maamuli karin siyaasad ay ku dheehan tahay isqarin iyo in laga cararo Mas’uuliyadda.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay Facebook

Allaha u naxariisto wasiir Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee maantay argagixisadu ay xafiisyadooda ku dileen. Dadka dhaawacu uu weerarkaas ka Soo gaarayna caafimaad Degdeg ah.

Waa ayaandarro weyn amniga faraha ka sii baxaya iyo qarax walba dadka qaaliga ah ee ku baxaya ama ku waxyeeloobayaba, ayadoo aysan jirin cid amni-darrada jirta lagala xisaabtamo ama qorshe amniga lagu hagaajinayo oo muuqda..

Madaxweyn Farmaajo waa inuu godka ka Soo baxaa, dhabarkana u ritaa mas’uuliyadda waxyaalaha dhacaya kaga aadan, macquulna aysan ahayn in dal lagu hogaamin karo isqarin iyo mas’uuliyad ka carar laga dhaxlayo dayacaad iyo khasaaro joogto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com