FIQI oo dib u furay xarun muhiim ah oo xirneed in ka badan 30 sano + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah dib ugu furay xarunta kaydka wasaaradda arrimaha dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano kaddib dagaalkii sokeeye.

Tallaabadan muhiimka ah waxay caddeyneysaa sida wasaaraddu uga go’an tahay ilaalinta dhaxalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee maamulka xogaha taariikhiga ah.

Ku-simaha xoghayaha joogtada ah, ahna agaasimaha waaxda Asia iyo Australia, Saciid Jaamac Mire ayaa uga mahad-celiyay wasiirka hoggaaminta uu ku soo nooleeyay kaydkan casriga ah.

Keydkaan ayaa hadda loogu tala-galay in si ammaan ah loogu kaydiyo dukumentiyada muhiimka ah ee dowladeed.

Danjire Dr. Maxamed Cawaale, agaasimaha waaxda xasuus-dhowrka ayaa xusay in xaruntan ay tahay tiir muhiim ah oo lagu ilaalinayo taariikhda Soomaaliya loona adeegsan karo cilmi-baaris iyo horumarinta diblomaasiyadda.

Dib-u-furitaanka xarunta kaydka wasaaradda waa tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo howlaha arrimaha dibadda, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta xogaha taariikhiga ah iyo abuurista jawi ku saleysan cilmi-baaris iyo xog-ogaalnimo.

Hindisahan wuxuu ka tarjumayaa aragtida Wasaaradda ee ku saleysan horumarinta diblomaasiyadda iyo ilaalinta dhaxalka qaranka si loo gaaro mustaqbal waara.