FIQI oo DIGNIIN ka bixiyey ‘kali-talisnimada socod baradka ah’ ee FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay wax uu ugu yeeray halista kai man karta kali-talisnimada uu billaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo oo muddo lagu arkayey calaamado kali-talisnimo ayaa shalay si bareer ah banaanka u keenay kadib markii uu xayiraad socdaal saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, sababo la xiriira kaliya inuu ka aragti duwan yahay.

Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Kaligi-taliska socod baradka ah wuxuu ku socod bartaa ku tumoshada shuruucda dalkiisa, caburinta iyo cadaadiska dadkiisa, wuxuuna ku qaangaaraa daadinta dhiigga dadkiisa, wuxuuna ku gaboobaa burburinta iyo kala qeybinta dalkiisa.”

Fiqi waxa uu ka digay halista Farmaajo kasoo socota xilli uu watqigiisa kasii dhammaan rabo wuxuuna tusmeeyey waxyaabaha laga filan karo.

“Inta uu cusub yahay shaatiga wadaniyadda ayuu adeegsadaa, Hantida iyo ciidamada qarankana umadda ayuu u isticmaalaa, marka uu sii dhacayana wixii uu dhacay oo hanti ah iyo qabiil ayaa garab u noqda.” Ayuu yiri Fiqi.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa la joogaa waqtigii umadda Soomaaliyeed si dhab ah isaga waraysan laheyd diktaytarka saanqaadka xun ee dastuurkii iyo shuruucdii uu madaxda ku ahaa asagu ku tumanaya.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com