Video: SHEEKH SHARIIF oo cudur-daar ka bixiyey hadal yar oo si qaldan loo fasirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo markii labaad warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho muddo 12 saac gudahood ah ayaa raali galin ka bixiyay nuqul ka mid ahaa khudbadiisii maanta uu kaga hadlaayay arimaha siyaasadda dalka iyo xayiraadii maalin ka hor loogu geystay garoonka Aadan-Cadde.

Siyaasiyiin iyo dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ka fal celiyay hadalkii maanta ee madaxweyne Shariif uu ka jeediyay shirkiisii jaraa’id oo mar uu tirinayay magacyada maamul goboleedyada uu Koonfur Galbeed magaceeda kasoo qaatay Bay iyo Bakool.

Shariif Sheikh ayaa sheegay in Bay iyo Bakool uu kala jeeday Koonfur Galbeed sidoo kalana khudbadiisa uu kusoo hadal qaaday gobolka seddaxaad ee Shabeellada Hoose oo ka mid ah gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaan rabaa in aan raali galin ka bixiyo kalmad maanta ku jirtay hadalkeygii oo aheyd in Koonfur Galbeed aan ugu yeeray Bay iyo Bakool, dadka qaar ayaa si kale u qaatay waan ka raali galinaa walaalahey” ayuu yiri Sheikh Shariif oo caawa mar kale la hadlay warbaahinta.

Siyaasiyiinta sida weyn uga fal celiyay hadalka Sheikh Shariif oo sheegay in ay ka caroodeen ayaa waxaa ka mid ah Aadan Saransoor oo hoggaamiya mid ka mid ah xisbityada siyaasadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in Sheikh Shariif uusan aqoon saneyn maamulka Koonfur Galbeed.

Caasinmada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com