Xog: Yaa shaqsiyan amray tallaabadii shalay lagu hor istaagay Sheekh Shariif?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad badan oo Soomaali ah ayaa weli qaadan la’a tallaabadii shalay Sheekh Shariif loogu diiday inuu ka dhaafo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeday Kismaayo, halkaas oo 26-ka bishaan uu ka dhacaayo caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa dadka qaar shaki galiyeen inuu falkaan wax badan kala socday madaxweyne Farmaajo, laakiin Caasimadda Online ayaa xaqiijisay in madaxweyne Farmaajo uu yahay qofka bixiyey amarka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif wuxuu safar ahaan uga yimid Turkiga, isagoo doonayay inuu diyaarad kale ka raaco Muqdisho, si uu Kismaayo u tago. Sida caadiga ah waxey diyaaradda Turkish Airline soo degtaa 8:30 subaxnimo xiliga Muqdisho. Markii uu Shariif soo gaaray Muqdisho waxaa la fariisiyay qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade, si uu halkaa ugu sugo diyaaradii uu Kismaayo u raaci lahaa, taas oo bixi laheyd 11:00 barqanimo.

Intii uu Shariif ku sugnaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade waxaa isna goobta yimid madaxweyne Farmaajo oo safar u ahaa wadanka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeyb-galaayo shirka Golaha ammaanka. Labada masuul ayaa la sheegay iney isku salaameen qeybta VIP-da, waxaana uu Farmaajo ogaaday inuu Shariifku safar u yahay Kismaayo.

Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inuu madaxweyne Farmaajo amar kubixiyay in diyaaradaas safarkeedda la baajiyo, laakiin la taliyaashiisa ayaa soo jeediyay in qoraal loo badalo si loo qaldo bulshada, waxaana daqiiqo kadib markii uu Farmaajo duulay soo baxay amar sheegaya in aaney jirin diyaarad aadi karta Kismaayo fasax la’aan, xiligaas Sheekh Shariif wuxuu fadhiyaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade. Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay bulshadda, sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa wax laga xumaaddo ku tilmaamay in warqad lagu dul alifay madaxweyne Sheekh Shariif.

Tallaabooyinka uu Farmajo ku baacsanaayo madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sii labo jibaarmay kadib markii uu saakay Farmaajo gaaray New York, isagoo amar kale kubixiyay in guud ahaan la joojiyo diyaaradaha tagaya Kismaayo ilaa 26-ka bishaan oo ku aadan maalinta caleemo-saarka Axmed Madoobe, si aaney Xamar uga bixin Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo isna la filaayay inuu Kismaayo aado.

Dad badan ayaa la yaaban hab-dhaqanka gurracan ee madaxweyne Farmaajo oo u muuqda mid ka gudbay xeyn-daabkii siyaasadda.

Caasimadda Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com