Fiqi oo ka horyimid sharci saameynaya xisbiyada iyo maamul goboledyada oo DF ay rabto inay ansixiso

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo xubin sare ka ah xisbiga mucaaradka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ee UPD ayaa ka hor-yimid sharci golaha wasiirada Soomaaliya uu qorsheynayo inuu ansixiyo oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Fiqi ayaa bartiisa soo dhigay qoraal jawaab u ah, codsi uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hor-dhigay golaha wasiirada oo ku saabsan in sharcigaas la anisixyo toddobaadka soo socda.

Waxa uu sheegay inay qasab tahay in sharcigan ansixintiisa lagala tashado xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira iyo maaml goboleedyada, maadaama uu saameynayo labadaba. Maamul goboleedyada ayaan iminka wax xiriir ah kala dhaxeyn dowladda dhexe.

Hoos ka aqriso qoraalka uu xildhibaan Fiqi soo dhigay facebook.

Sharci marka la Soo gudbinayo wuxuu maraa habraac la isla yaqaan kumana sii jiro marka sharcigaasi uu doorashooyin khuseeyo.

Sharciga doorashooyinku waa sharci taabanaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, waana sharciga sababta u noqon doona In nidaam doorashadii qabiilka ku salaysnaa looga gudbayo oo nidaam xisbiayadeed loo gudbayo, sidaas darteed sharcigan waa in laga talagaliyaa xisbiyada dalka ka jira iyo dawlad goboleedyada oo labaduba lafdhabar u ah in doorasho xor ah oo xalaal ah ay dalka ka dhacdo.

Ayadoo dhanka kale si weyn aan u Soo dhoweynayno In sharciga doorashooyinka uu ka mid noqdo sharciyada hor-tabinta iyo mudnaanta leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com