Aqriso: Liiska wasiirada DF ee XILALKA looga qaaday eedeymaha kala duwan.!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii kordhaya xubnaha golaha wasiiradda ee xilalkooda weynaya, kuwaas oo qaarkood lagu sameeyay baaris musuqmaasuq.

Waxaa shalay ugu dambeeyay wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo warshadadaha Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye.

Sida lagu sheegay warbixin kusoo baxday in Ra’isulwasaare Kheyre uu fuliyay codsi uga yimid xeer illaaliyaha guud oo baaritaan ku haya wasiir ku xigeenka.

Haddaba halkan hoose ka akhriso wasiiradda xilalka laga qaaday

  1. Mukhtaar Mahad Daa’uud : Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda
  2. C/raxmaan Daahir Cusmaan : Wasiirka Waxbarashada
  3. Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed : Wasiirkii Gaashaandhigga,
  4. Yuusuf Garaad : Wasiirkii arrimaha dibeda
  5. Marwo Maryan Qaasim Axmed : Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka
  6. Cabdi Siciid Juxaa : Wasiirkii Arrimaha Gudaha
  7. Eng Sadiq cabdullahi cabdi :Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib udhiska.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa xukuumadiisa inta badan ka dhigay Xildhibaano iyadoo ujeedka uu yahay inuu yaraado cadaadiska xukuumadda uga imaanayo Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com