Sharciga shidaalka Somalia oo la tuhmayo in shirkado shisheeye ay soo qorteen iyo dood ka taagan + Cod

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaala hindise-sharciyeedka Macdanta iyo Batroolka oo muran badan uu ka dhashey, kana soo horjeesteen xildhibaanno badan kaidb markii ay so baxday arrin xasaasi ah.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka ayaa ka war-helay in hindise-sharciyeedkan ay wax kasoo qoreen dad ajaaniib ah, oo uu u ugu weyn yahay sharci-yaqaan lagu magacaabo William Kosar, oo u dhashay dalka Canada.

Ayada oo shidaalka la tuhunsan yahay inuu ka buuxo Soomaaliya ay isha ku hayaan dalal iyo shirkado badan oo caalami a, ayaa cabsida jirta waxay tahay in hindise-sharciyeedka shidaalka loo qoray hab shirkadahan ay ka faa’iideysan karaan awood badanna aan siineyn dowladda Soomaalya.

Qaar ka mid a xildhibaannada ayaa dhinaca kale rumeysan in laga yaabo in qorista sharciga ayba si hoose ugu lug leeyihiin shirkado xiriir la leh khubarada dhinaca sharciga ee soo qortay hindisahan.

Dowladda Soomaaliya waa ay beenisay inay sharciga qoreen ajaaniib, hase yeeshee waxay qiratay in lagala tashtay. Dhinaca kale William Kosar ayaa si rasmi a u qirtay inuu sharcigan asaga qoray.

Arrintan ayaa dhalisay in dadka qaar ay is-weydiiyaan su’aalo ku saabsan in hindise sharciyeedka lagu kalsoonaan karo iyo in kale.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Macdantiyo Batrool-ka ee dowladda Somalia, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, ayaa si aad ah u difaacay hindisahan kadib wareysi uu siiyey idaacadda VOA. Hoose ka dhageyso wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com