Ganacsatada Muqdisho oo joojiyey lacag ay ku bixin jireen dhismaha jidadka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay in ay joojiyeen lacagihii ay ku bixin jireen Dib u dhiska Wadooyinka  Muqdisho kadib markii uu is casilay Gudoomiyaha Guddiga dib u dhiska Wadooyinka gobolka Banaadir Cabdulaahi Nuur Owdiini

Kulan maanta Ganacsatada gobolka Banaadir ku yeesheen Suuqa Bakaaraha ayaa looga arinsaday is casilaada Gudoomiyihii Guddiga dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho iyo sida ay ganacsatada ka yeelayaan lacagihii ay bixin jireen.

Cabdulaahi Nuur Owdiini ayaa sheegay in uu iska casilay Gudoomiyaha Guddiga dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho, waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo cidii ganacsatada gobolka xilkaasi uu baneeyay ay u dhiibtaan.

Waxa uu sheegay Owdiini in faro galin kala kulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu sheegay in uu sadex mar isku dayay in uu bedelo koontadii Ganacsatada gobolka lacagaha ku shubi jireen.

Cabdulaahi Nuur Owdiini ayaa cadeeyay in la joojiyay lacagihii loo qaadi jiray dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho, waxa uuna ganacsatadii lacagaha dhiibi jirtay ku war galiyay in ay la socdaan in la joojiyay lacagaha ilaa laga helo gacan aamin ah.

Ugu Dambeyn Ganacsatadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay joojiyeen lacagihii ay bixin jireen ayna ka xun yihiin in Guddigii la dhisay la siyaasadeeyay faro galina lagu sameeyay, waxa ayna cadeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacagihii ay bixin jireen hadii la helo gacan aamin ah .