Fiqi oo ka sheekeeyey “la-yaab uu kusoo arkay Villa Somalia” + Sawir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay Booqashadii xalay ay ugu tageen Villa Soomaaliya, iyadoo markii laga celiyay kadib ay awooda u adeegsadeen inay gudaha ugu tagaan guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in booqashadoodii xalay inay ku arkeen in ciidamada amaanka aysan u sinneyn madaxda ugu sareyso dalka oo uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka.

“Villa Soomaaliya sida magaceeda ka muuqata waxay leedahay maamuus iyo xasaanad gaar ah, waa xafiisyada iyo hoyga madaxda qaranka ugu sarraysa mudada ay xilka hayaan, waa meel shaqaalaha ka shaqaynaya, askarta ammaankeeda sugaysa laga doonayo in ay noqdaan kuwo qaran oo u siman madaxda, dadka shaqada u imaanaya iyo kuwa soo booqanaya intaba”.

“Booqashadeenii xalay annagoo xildhibaanno afartmeeyo ah una soconay guddoomiyaha Golaha shacabka hoygiisa iyo habdhaqankii aan kala kulanay askarta Ilaalada ah waxey u ekeysiinaysay Villa Soomaaliya guri gaar loo leeyahay”.

“In xildhIbaanadii qaranka ee booqanayey ama dadkii hawluhu kala dhexeeyeen guddoomiyaha loo diido in ay u gudbaan hoyga guddoomiyaha,iyo in gaarigii adeegga cuntada u geyn jiray Guriga guddoomiyaha laga celiyo halkaas, iyo in askarta la joogta guddoomiyaha cuntadii laga goosto intuba ma ahan Dhaqan dawladnimo iyo mid Soomaaliyeed intaba”.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka waa mas’uulka labaad ee qaranka, wuxuuna madax ka yahay hey’adda ugu weyn hey’adaha dawladda Soomaaliya, Villa Soomaaliya asaga iyo madaxweynaha waa u siman yihiin, in askar amar la siiyey loogu awood sheegto, lana cunaqabateeyo waa wax sharciga dawladnimada ka baxsan, waxaana madaxweynaha kula talin lahaa ciddii taladaas ku siisay waa ku qaladaye fadlan talaabooyinkaas ka noqo, tan waxaan ceeb ahayn lagama dhaxli doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com