Fiqi oo sheegay dhinaca ay tahay in Soomaalida ay la jirsadaan dagaalka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi sidoo kalana ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Tigreygu uu wajahayo ciqaab daran oo lamid ah midii uu hore maamulkaasi ‘xasuuqa iyo barakicinta ugu geystay geeska Afrika, gaar ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya’.

Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku taageeray howl-galka uu Abiy Axmed kula dagaalayo maamulka Tigreyga, xili saacadihii lasoo dhaafay uu kasii darayay dagaalkaasi, iyada oo laga soo saarayey baaqyo nabadeed.

Waxa uu sheegay in gumaadka ku socda ciidanka iyo madaxda Tigreyga ay bogaadiyaan bulshada Soomaaliyeed, maadama uu ku dooday in maamulka TPLF uu dambiyo dagaal ka geystay gudaha Soomaaliya sanadihii 2007-dii iyo 2008-dii.

“Tigreegii (TPLF)  madaafiicdooda iyo gaboodfalkoodu uu kala gaaray geeska Afrika si gaar ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, kana geystay xasuuq aan loo meel-dayin, burburin magaalooyin camiran iyo barakicin malaayiin shacab ah, waxay maantay ku waajahayaan gurigoodii xaalad adag iyo ciqaab-daran oo la mid ah tii ay umadaha kale badeen” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa kale oo uu ku yiri “Waxaa ila haboon In dadka Soomaaliyeed ay soo dhoweeyaan hawlgalka ciidan ee lagu baacsanayo madaxdii iyo ciidamada Tigreega (TPLF) ee dambiyada dagaal ka geystay Soomaaliya 20-kii sano ee u dambaysay si gaar ah sanadihii 2007 & 2008”.

Hadalka Fiqi ayaa imanaya xili uu xawli kusii socda dagaalka dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga, taasi oo keentay in kumanaan qof ay billaabeen inay dalka ka qaxaan. 

Qiyaastii dad ka badan 2,500 oo Itoobiyan ahaa ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ka gudbeen xuduudda dalkaasi, iyaga oo u tallaabay dalka Sudan.

Waxa kale oo la rumeysan yahay in Boqolaal qof ay ku naf waayeen dagaalkaasi, inkasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo tirada khasaaraha dagaalkaasi, maadama uu hawada ka maqan yahay isgaarsiinta iyo internet-ka gobolkaasi.