Xasan Sheekh iyo Shariif oo shaaciyey mowqifkooda doorashada Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo doortay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hoggaamin doona HirShabelle, halka ku xigeenkiisa loo doortay Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu bogaadinayaa dadaalka lagu bixiyay dhismaha maamulka HirShabelle oo uu ugu horreeyaan safarradi nabadaynta ahaa ee uu Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihi hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ugu noqnoqday Magaalo Madaxda Maamulkaas ee Jowhar,” ayaa lagu yiri qoraalka Xisbiga Sheekh Shariif.

Bulshada reer HirShabeelle iyo dowladda federaalka ayaa qoraalkan looga dalbaday inay garab istaag u muujiyaan madaxda cusub ee maanta lagu doortay Jowhar.

“Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, Madaxda la doortayna waxaan kula dardaarmaynaa inay u istaagaan Fulinta howlaha bulshadu ka sugayso, sidoo kale Bulshada HirShabelle iyo Dowladda dhexe waxaan ugu baaqaynaa inay u muujiyaan garab istaag iyo wadashaqayn guul horseedda,” ayuu ku sii daray qoraalka Xisbiga Himillo Qaran.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga hambayo ugu diray Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee maanta HirShabeelle loo doortay.

“Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)” ayuu yiri.

Qoraalka Xasan Sheekh ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda cusub “Alle uga baryay inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, isagoo ku baaqay in la garab istaago maamulka cusub, si ay u xaqiijiyaan rajada shacabka.”

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa aad u mucaarada siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, balse waxay doorashada HirShabeelle ka yihiin isku mowqif, sida ku cad qoraaladooda.

Dowrashada maamulka HirShabeelle waxaa aad loogu xaglinayey inay ku socoto hanaan ay ugu talagashay dowladda federaalka, waxaana lasii saadaalinayey in madaxdan ay ku soo bixi doonaan, balse mucaaradka dowladda dhexe kuwooda ugu cad-cad ayaa ku qanacsan sida ay doorashadu u dhacday, dad badan ayaana is weydiinaya sababta.