Wararkii ugu dambeeyey dagaalka gobolka Tigray

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada cirka Ethiopia ayaa sheegay inay maanta duqeeyeen baqaaro hub iyo goobo shidaalka lagu keydiyo oo ku yaalla gobolka Tigray, ayada oo uu sii xoogeystay dagaalka, islamarkaana kumanaan qof ay u qaxeen dalka Sudan.

Taliyaha ciidamada cirka Jeneral Yilma Merdassa ayaa sheegay in goobaha la weeraray ay ahaayeen kuwa ay Tigray-ga qorsheynayeen inay u adeegsadaan inay weeraro kasoo qaadaan, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda taageersan ee FANA.

Hase yeeshee qof degan magaalada caasimadda ah ee Mekelle ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inaysan jirin wax duqeymo ah oo magaalada ka dhacay tan iyo Axaddii.

Waxa uu intaas ku daray in inkasta adeegga isgaarsiinta iyo bankiyada aysan weli shaqeeneyn, haddana dukaamada iyo suuqyada ay db u furmeen, magaalada ay caadi tahay.

Dhinaca kale, Alsir Khaled oo ah madaxa hay’adda qaxootiga Sudan ee magaalada xuduudda ku taalla ee Kassala, ayaa sheegay in 11,000 oo qof oo Ethiopian ah ay toddobaadkan usoo qaxeen Sudan.

Hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR ayaa sheegtay in tirada qaxootiga ay u badan tahay inay sare usii kacdo, waxayna ugu baaqday dalalka deriska la ah Ethiopia inay furaan xuduuddooda.

Dagaalka oo hadda socda toddobaad, ayaa waxaa ku dhintay boqolaal askari oo labada dhinac ah, inkasta oo ay adag tahay in la helo tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dagaalka uu socon doono illaa meesha laga saaro hoggaanka xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigray.