FIQI oo soo faro-geliyey kiiska mid ka mid ah xubnihii shalay dilka lagu xukumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa soo faro-geliyey kiiska nin ka mid ah sideed qof oo shalay ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Kiiskan ayaa la xiriira Cabdinaasir Cismaan Nuunow (Maama), kaasi oo dil toogasho lagu xukumay kadib markii lagu eedeeyey inuu ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu dilay Maxamed Xaashi Faarax.

Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuum Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

“Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa dalbaday in hubin dheeri ah lagu sameeyo kiiskan, sida ku cad qoraal uu soo dhigay Facebook.

“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo dadka qaar ay u damqadeen Cabdinaasir, halka qaar kalena ay wasiir Fiqi ku eedeeyeen inuu soo faro-geliyey howl u taalla Maxkamadda oo aan shaqadiisa aheyn.

Tallaabada Fiqi uu qaaday ayaa ka hor-imaneysa hadal uu horey u jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh oo uu kaga digay inaan lagala hadli karin qof lagu soo eedeeyey Al-Shabaabnimo, islamarkaana xukunadooda loo daayo maxkamadaha.