FIQI oo WAR ka soo saaray arrinta suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka garabka mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in Ganacsatada Muqdisho ay ku shaqeeyan dhibaatooyin amni daro.

Xildhibaan Fiqi ayaa tilmaamay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee kudhaqan suuqa-Bakaaraha ay bixiyaan lacago canshuur, hadana loo geysto dhac.

Xildhibaan Axmed Fiqi, waxa uu sheegay inay sii kordheyso cabashooyinka Ganacsaatada suuqa Bakaaraha ee Magaalda muqdisho, waxa uuna su’aal ka keenay sababta looga qaadayo lacagta canshuurta marba haddii aan la sugeynin amnigooda.

Axmed Fiqi, ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka aan looga baahneyn kaliya inay lacagaha dadka laga qaado xisaabiyan balse la doonayo inay indhaha ku hayaan dadka lacagaha Canshuurta laga qaado ee aan amni heysan.

Waxa uu yiri Fiqi “Waa inaan leenahay caqli xisaabtamaa maaha inaan xisaab la dabataagnaano lacagaha dadka laga qaado waa inaan la socnaa xitaa amniga iyo cabashooyinka lagu hayo dadkii laga qaadayay lacagaha oo ah Ganacsatada”

“Cabashooyinka canshuur qaadista iyo dhaca maaha in la dhaleelsado Xildhibaano arrintaan aan wax ka dhehno xili hore”

Fiqi, waxa uu sheegay in Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ay Canshuurta bixiyan hadana la dhacayo oo ay amni darro ka cabanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayuu ugu baaqay inay isha ku hayaan,isla markaana loo baahan yahay in amni ay helaan Ganacsatadaas.

Haddalka Fiqi ayaa kusoo beegmaya iyadoo Kooxo ku labisan dareeska ciidanka ay dhac baahsan ku hayaan Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com