WAR ka cusub wiilashii ay guriga Aadan Cadde kala baxeen ciidanka ajnabiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta dib xorriydooda u heley wiilal dhallinyaro ah oo shantii bishii September laga soo xirey beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aaden Cabdulle Cismaan oo ku taalla degmada Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wiilasha la xirey oo seddex ahaa, laguna kala magacaabo Xuseen Cabdullaahi Xaaji, Cusmaan Cabdullaahi Xaaji iyo Axmed Cali Cismaan ayaa waxa ka xeystay ciidamo isugu jirey Soomaali iyo ajaanib, waxaana lagu hayey magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya, ayaa hore raali gelin uga bixisey falka lagu galay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aaden Cabdulle Cismaan, waxaana ralai-gelintaas bixiyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Aabaha wiilasha la xirey Cabdillaahi Xaaji ayaa sheegey in baaritaanka wiilasha lagu sameeyey uu aha amid kooban balse sidaas oo ay tahay xabsi la isaga hayey muddo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in muddadi wiilashiisa la hayay ay sheegeen inaysan wax dhibaato ah la kulmin, marka laga reebo inay lumiyeen xorriyadooda.

Caasimada Online ayaa horey u shaacisay in xariga wiilashaas uu ka dhashay warbixin sirdoon oo qalad ah oo la siiyey ciidamadii ajnabiga iyo Soomaalida isugu jiray ee galay guriga Aadan Cadde. Halkan ka aqri warkaas.

Dhinaca kale waxaan weli la ogeyn halka ay ku dambeysay boorso gurigaas ay kala baxeen ciidamada. Boorsada ayaa xambaarsaneyd qiso cajiib ah, waxaana ka dardaarmay Aadan Cadde. Halkan ka aqris qisadaas.

Dhageyso wareysiga Aabe Cabdillaahi Xaaji

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com