Xog: Boorsadii laga qaatay guriga Aadan CADDE oo qiso cajiib ah xambaarsan

Jannaale (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa 4-tii bishan weerar ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u raxmadee Aaden Cabdulle Cismaan, oo ku yaalla magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa guriga ka ka xeystay seddex wiil oo ka mid ahaa ehelka madaxweyne Aaden Cabdulle. Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale guriga kala baxay boorso xiran, oo la sheegay in uu dardaaran xooggan ka bixiyey madaxweyne Aadan Cadde.

Sida ay Caasimada Online xog ku heshay boorsada ayaa xitaa qoyska aanay aqoon waxa ku dhex jiray.

Boorsada ayaa la sheegay in markii ay Soomaaliya ka qarxeen dagaalalda sokeeye sanaddii 1991-kii ay guriga Aadan Cadde uga tageen qoys qax ahaa, oo uu madaxweynihii hore soo dhoweeyey, kuwaas oo hilmaamay markii ay sii baxayeen.

Madaxweyne Aadan Cadde ayaa la sheegay inuu didiay in boorsadaas la furo, maadaama aysan fasax ka haysan dadkii lahaa. Wuxuu sidoo kale ku amray qoyskiisa inaysan marnaba furin illaa dadkii lahaa ay ka yimaadaan oo ayaga qaataan.

Boorsada ayaa illaa iyo xilligaas taalay guriga, mana jirin cid furtay ayada oo la fulinayo amarka madaxweynaha, waxaase nasiib darro qaatay ciidamadii guriga soo weeraray, lamana yaqaan halka ay geeyeen iyo waxa ay ku sameeyeen.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaalia Xassan Cali Kheyre ayaa raali-galin ka siiyey qoyska Aadan Cadde, weerarka lagu qaaday gurigooda, balse sooma hadal qaadin boorsada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com