QARAXA lagu dhawacay xildhibaan ka tirsan BF oo MUQDISHO ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka xili halkaa ay aheyd mid aad u mashquul badan.

Qaraxa oo ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa mid lagu xiray gaari lagu sheegay inuu yahay Hilux oo maraayay Koontaroolka Ciidanka madaxtooyada ee Koofi casta loo yaqaan ee ku yaalla dhismaha Tiyaatarta Qaranka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa  ayaa waxaa ku dhaawacmay Hal qof oo la sheegay inuu la socday gaariga, halka darawalka gaariga uu isna u dhintay dhaawac soo gaaray.

Gaariga qarxay ayaa lasoo sheegayaa inuu lahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu Magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud Booroow, islamarkaana uu dhaawac soo gaaray, halka uu dhintay darawalkii gaariga waday.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa Gaariga ayaa waxaa ka badbaaday ciidamadii la socday, waxaana kiiska Qaraxa iyo ilaalada Xildhibaanka la wareegay ciidamada amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com