Xildhibaan Mahad Salad oo WEERAR culus ku qaaday MADAX goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad u dhaliilay qoraalkii shalay kasoo baxay madaxda maamul goboleedyada ee ay shuruudaha ugu xireen wada-hadal ay la galaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli khilaafka labada dhinac uu kasii darayo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Mahad Salaad ku sheegay in aad looga wanaagsanaa in madaxda maamullada ay u gacan haatiyaan shisheeye, oo ay ka dalbadaan inay dhexdhexaadiyaan ayaga iyo dowadda, islamarkaana yiraahdaan “ma aamini karno dowladda”

“War-Murtiyeedka kasoo baxay Dowlad Goboleedyada in ay codsadaan in gacan sadexaad dhex-dhexaadiso iyaga iyo Dowlada Federaalka ah waa wax la fahmi karo, inkastoo laga fiicnaa oo sida meesha ka muuqata ay u gacan haatinayaan faragelin shisheeye, kuna kalsoonaan waayeen hay’adihii Dowlada Federaalka” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkiisa.

Mahad Salaad waxa uu sidoo kale sheegay in shuruudaha ay soo bandhigeen madaxda maamul goboleedyada iyo hadalkooda ah inaysan amniga ku aamini karin dowladda dhexe ay tahay mid dhaawaceysa dowladnimada Soomaaliya oo aan la aqbali karin.

“In wada hadalka Dowlada Federaalka ay shuruud ku xiraan. Sharciyada dowlada dhexena ay shaki geliyaan. Amnigana kuma aamini karno dowlada ay dhahaan waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimada Soomaaliya. Mana ahan wax la aqbali karo” ayuu yiri Mahad Salad.