Fowsiya Yuusuf Xaaji oo beenisay war laga faafiyey oo la xiriira xafiiska Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxay beenisay iskana fogeysay warar sheegayay inay lacag ka qaadato Xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay inay jirto cid magac dil ku sameynaysa oo la wareegaysa qoraalo ay ku sheegayaan inay kamid tahay xubno lacag ka qaata Xafiiska Kheyre.

Xildhibaanada ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku beenisay wararkaas been abuurka ee lagu sheegay inay mushaar ka qaadato Xafiiska Kheyre, iyadoo ku tilmaamtay qoraaladaas kuwo lagu qoslo oo sal iyo raad-toona lahayn.

Maalmihii dhowaa, ayaa waxaa baraha bulshada aad u wareegay liis ay ku qoran yihiin magacyada dhowr boqol oo qof oo la sheegay inay dowladda lacag uga qataan inay warbaahinta ka taageeraan, kuwaas oo Fowsiya ay ka mid ahayd.

Ma jirto cid xaqiijin karta sax ahaanshaha liiskaas, oo dad badan oo magacyadooda lagu qoray ay beeniyeen halka qaar kalena ay isaga amauseen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com