Fowziyo Yuusuf Xaaji oo ka jawaabtay sirtii musq-maasuq oo ay kashiftay QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedd Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa gaashanka u daruurtay warbixin si hor dhac ay u soo saareen guddiga cunaqabteenta hubka ee saaran Soomaaliya UN Monitoring Group taasoo madax badan oo ka tirsan dowlasdda oo ay ku hiryo ay lunsadeen lacago badan oo Soomaaliya u tiilay dibedda.

Shir jaraa’id oo ay ku qabtay Muqdisho ayey marwo Fowziyo sheegtay in warbixinta la soo saartay ay tahay mid been abuur ah oo sal iyo baar toona lahayn.

Waxay sheegtay arrinta ku saabsan in ay bangi ku furi rabtay Dubai uu lahaa go’aankaas ra’iisal wasaarihii hore ee

Cabdifaarax Saacid Shirdoon iyadoona sheegtay in ay heyso caddeemo muujinaya arrintaas iyo saaxiixa Saacid.

Waxay sheegtay oo kale in guddoomiyihii hore ee baanka dhexe Yusra Abraar ay iyadu mas’uul ka hayd in loo dhiibo xilkaas si ay ula dagaallanto musuq-maasuqa hareeyay hey’addaha dowladda, waxay sheegtay in Yusra ay been u sheegtay caalamka oo ay tiri Soomaaliya yaan la caawin oo waa meel musuq-maasuq ay dilootay.

Xildhibaan Fowziyo ayaa tilmaamtay in arrintaas ay muujineyso sidda cadow loogu yahay Soomaalida oo aan la rabin in ay madaxa kor u qaado.

“Soomaaliya qofka wanaag la rabo ama xabad ama si kale ayaa loo dilaa” ayey tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Waxaa la weydiiyay in madaxweynaha oo kula jirra warbixinta eedeenta in ay kala hadashay waxay sheegtay in madaxweynaha uu la socdo arrinta isla markaana uu diyaar u yahay in uu iska difaaco.

Waxay kaloo sheegtay in aanu uga hari doonin kooxda UN Monitoring Group oo markii labaad been ka sheegtay iyadoo tilmaamtay in ay tegi doonto New York oo ay qabsan doonto qareeno arrintaas ka difaaca.

Ugu dambeyn waxay sheegtay in marnaba aaney ka tanaasuli doonin siddii ay u difaaci lahayd sharrafka Soomaaliyeed sidda ay hadalka u dhigtay.

Hadalka wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan warbixin lagu qoray wakaaladda wararka Reuters lagu sheegay in madaxweynaha iyo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in ay lunsadeen lacago badan oo Soomaaliya u tiilay caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska  Muqdisho

Caasimada@live.com