Sawirro: Xildhibaannada Hawiye oo ka hor-yimid go’aankii Villa Somalia ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Muqdisho ka dhacay kulan ay yeesheen guddi xildhibaanada Hawiye kuwaa oo ka dhiidhiyay go’aan xalay kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya kaas oo lagu magacaabay gudi soodhameestira maamulka lagu muransanyahay ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in gudigii lagu dhawaaqay ee loogu tala galay in uu soo dhameestiro maamulka Koofur Galbeed ee ka kooban sedaxda gobal uu ahaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka u yaalla ayna yihiin sharci daro.

Xildhibaan Cumar Finish oo kamid ah gudiga xildhibaanda Hawiye ee maanta kulanka yeeshay ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in aysan aqbali doonin gudiga 18-ka xubnood ka kooban oo uu sheegay in uu yahay mid loogu tala galay in mugdi lagu sii geliyo siyaasada cakiran ee Soomaaliya, waxa uuna gabi ahaan sharci daro ku tilmaamay Maamulka Koonfur Galbeed ay aqoonsadeen Madaxda Dowlada.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay Xildhibaanad Naciima Maxamed Gacal oo iyana kulanka ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in ay wax lala yaabo tahay in deegaan maamul ay u dhisteen dadka degaahi laga dul dhiso maamul kale oo aysan raalli ka aheyn oo lagu khasbayo.

“Inagu hadii aan nahay gudiga xildhibaanada Hawiye waxa aan aad u diidanahay gudiga loo sameeyay in ay soo dhameestiraan maamulka Koofur Galbeed. Maamulka Koofur Galbeed markii hore ayuuba qalad ahaa, maadaama deegaanno aan shaqo ku laheyn lagu daray”, Xildhibaan Naciima ayaa sidaa tiri.

Xildhibaana kale oo badan ayaa iyana goobta ka hadlay waxaana kamid ahaa , Xildhibaan Cabdullahi Jaamac Xuseen oo sheegay, “Laba qaldani wax saxan masameyso. Maamulka Juba oo qalad ah ayaa markii hore jiray hadana waxaa lakeenay maamulka Koofur Galbeed oo isna qalad kale ah”.

Maamulka Koofur Galbeed oo la sheegay in ay gadaal ka riixayaan masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, waxaana dad badan ay isku raaceen in yagleelidiisu ay tahay dhibaata hor-leh oo soo wajahday Soomaalida, maadaama beelaha dega gobalka Shabeelada hoose oo sameestay maamul ay hoos tagaan oo lagu magacaabo Shabeella State lagu dirqinayo maamul aysan raalli ka aheyn.

xil 1xil 2xil 3xil 4

Isha: Allbanaadir