Spain oo malaayin dollar siineysa DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay maanta oo Khamiis ah in dowladda Spain ay la laabatay lacag gaareysa 3-Milyan oo dollar taasoo horrey loo siiyay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda iyo dhiirigalinta maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacag Soomaaliya la siiyay sannadkii 2010-kii Kaddib markii Soomaaliya ay la daahday siddii ay u qaadan lahayd lacagtaas.

Wuxuu sheegay in lacagtaas laga helay uun hal Milyan taasoo lagu maalgaliyay caafimaadka Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in ay hadda doonayaan in ay dib u cusbooneesiiyaan siddii ay u heli lahaayeen lacagta ay siiyo dowladd Spain.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho Kaddib markii uu ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay dalka Spain halkaasoo uu kula soo kulmay madax ka tirsan dowladda Spain.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in halkaasoo kula soo kulmay madax ka tirsan naadiga kubadda cagta ee RealMadrid kuwaasoo u ballan qaaday in ay Soomaaliya u tababbarri doonaan cayaartooy, wuxuuna ku tilmaamay arrinkaas mid muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale ballaaran ka heshay beesha caalamka balse waxaa marar badan su’aalo laga keenay sidda loo maareeyo dhaqaalahaas iyo waxyaabaha lagu bixiyox

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com