Fursaddii ugu dambeysay oo hortaalla R/W Rooble

Kaalinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka qaadan karo xallinta xiisadaha dalka ka taagan ayaa loo arkaa rajada keliya ee laga leeyahay in dalka laga badbaadiyo colaad. Waxaana Rooble ku soo jeeda indhaha shacabka, siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka oo dhammaantood isaga u arka furaha guusha nabadda iyo xasilloonida.

Dadka siyaasadda odorosa ayaa aaminsan in tan ay ka dhigan tahay fursaddii ugu dambeysay oo gebagebo u ah fursado xiriir ah oo uu Rooble hore u soo dayacay. Waa fursad uu si la mid ah sidii fududeyd ee uu siyaasadda ku soo galay ugaga mid noqon karo dadka faro-ku-tiriska ah ee raadadka taariikheed ee wanaagga ku suntan ka taga. Waase haddii uu garto awooddiisa siyaasadeed, kuna baraarugo filashada ballaaran ee shacabka rajobeelka ku dhaw ay xaggiisa ka qabaan. 

Waxa ugu muhiimsan ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble maanta ku maalgashan karo dhaxal siyaasadeedkiisa wax-ku-oolka ah waa in uu la yimaadaa ka-go’naan iyo dhiirrasho aan labalabays lahayn oo uu ku qaato kaalin hoggaamineed oo siyaasadda iyo amniga dalka ah, si loo dhiso kalsoonidii ku burburtay damacii muddo-kororsiga ee ay madaxtooyadu ku dhaqaaqday. 

Isku-soo-dhawaashaha hadda kala dhexeeya musharraxiinta iyo qaybaha bulshada oo yididdiilo nabadeed abuuray wuxuu ku sii jiri karaa in uu Ra’iisul Wasaaruhu isku muujiyo hoggaamiye u taagan xasilloonida, diyaarna u ah inuu qaato xuquuq walba oo uu dastuurku u siinayo samatabixinta dalka.

W/Q: Abdiaziz Golfyare