Guddoomiye degmo oo ‘ka bad-baaday’ rasaas ay ku fureen ciidamada militariga

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi Shafaana ayaa sheegay inuu ka bad-baaday isku dey dil oo la doonayey in lagu khaarajiyo, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda.

Guddoomiye Shafaana oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay in rasaastaas lagu furay maanta ay ku geeriyoodeen qof rayid ah iyo mid kamid ahaa ilaaladiisa oo ka tirsanaa nabad-sugidda NISA, sidoo kalena uu khasaaro ba’an kasoo gaaray gaarigiisa.

Waxa uu sheegay in rasaasta ay ku fureen ciidamada Millateriga ee ku sugan kantaroolka Baraawe, taasi oo ku tilmaamay inuu ahaa isku-dey dil oo uusan garaneyn sababta keentay beegsigiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa xabado la igu soo shubay ilaa 40 xabadood, ilaahayna waa iga bad-baadshay, dhacadaadaas ayaa maanta i qabsatay anigoo kusii socda xarunta shaqadeydeeda oo ilaahay iga bad-baadshay, waxaana meesha joogey taliyihii ciidamada millateriga qeybteeda Baraawe,” ayuu yiri Guddoomiye Shafaana.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada Millateriga ee Baraawe, Cabdiraxmaan Jimcaale oo ay idaacada VOA-da la hadashay ayaa sheegay in si ku talo-gal ah loogu furin rasaasta, balse ay jirtay warbixin gaari qarax ah oo la sheegay inuu kujiro degmada Baraawe.

“Ku talo-gal uma weerarin sida runta ah waxaan raadineynay oo difaac ugu jirnay gaari qaraxa ah oo noocasa, guddoomiye maanu weerarin awal hore ayaa wareeri laheyn, degmadiisa iyo ilaalintiisa intaas oo sanadood ku jirnay, sidaasay wax u dhaceen oo qaraxaas magaalada ku jira ayaa howlihiisa ku jirnay,” ayuu yiri.

Xaalada degmada Baraawe ayaa dagan kadib tacshiirada lagu furay gudoomiyaha degmada oo xiisad xoogan ka dhalatay, waxaana socda dadaalo lagu dejinayo dhacdadaas oo uu Shafaana ku doodayo inay aheyd isku-dey dil.