Xog: Maxaa baajiyey shirkii golaha wasiirada ee shalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay baaqday shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo toddobaad kasta la qaban jiray maalinta khamiista ah, waxaana baaqashadiisa ka soo baxaya warar kala duwan, xilli ay xaalad cakiran ay ka jirto magaalada Muqdisho.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa Caasimada Online u sheegay in shirka uusan shalay qabsoomin, balse aysan ogeyn sababta rasmiga. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in baaqashada shirka loo maleynayo in ay saameyn weyn ku yeelatay khilaafka doorashada dalka. 

Xogta tilmaameysa in aysan shalay soo xaadirin wasiirada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen, halka sidoo kale aysan xaadir ku noqon qadka ZOOM-KA oo mararka qaar la isugu imaan jiray. 

Lama oga sababta rasmiga ah balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo ka dhashay doorka ra’iisul wasaaraha ee muranka doorashada dalka. Xubno badan oo ka mid golaha wasiirada ayaa la sheegay inay yihiin kuwa raacsan madaxweyne Farmaajo.

Xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu shalay ku mashquulsanaa xal u helidda arrimaha gobolka Banaadir, taasina ay shirka baajisay.

Dhanka kale, afhayeenka ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa xalay beeniyey warar sheegayey in Rooble uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah wasiiradiisa. Wararkan, oo aad ugu baahay baraha bulshada saacadihii ugu dambeeyey, ayaa lagu sheegay in Rooble uu doonayo inuu meesho ka saaro wasiirada ku dhow Farmaajo, xilli la tuhunsan yahay inuu khilaaf ka dhaxeeyo labada mas’uul.

Rooble iyo Farmaajo ayaa aragti ahaa kala fogaaday kadib markii Rooble uu Talaadadii qaatay go’aan uu ku diiday muddo kororsiga Farmaajo, iyo in dowladda ay weerarto ciidamada diidan muddo kororsiga ee ku sugan magaalada Muqdisho. 

Go’aanka Rooble ayaa soo geba-gebeeyey damacii Farmaajo ee muddo kororsiga iyo in awood ciidan lagu dayo ciidamada diidan muddo kororsiga ee Muqdisho ku sugan, taasi oo si weyn uga carreysiisay madaxweyne Farmaajo, sida aan xogta ku helnay.