Aqri: Gudoomiyaha bankiga dhexe oo xog cusub ka bixiyey lacagta cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia ay shaacisay in dalka loo sameynaayo lacago cusub, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa tilmaamay inay wanaagsan tahay isticmaalka lacagta cusub balse waxa uu sheegay inay jirto caqabad ah sare u kac  ku yimid qiimaha sarifka Shilin Soomaaliga.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe waxa uu sheegay in Sarifleyda ay caqabad ku yihiin lacagaha cusub ee imaan doona waxa uuna Hay’adaha amaanka faray in tallaabo sharci ah laga qaado shaqsiyadka abuuraya sicir barar.

‘’Waxaan Hay’adaha amniga farayaa inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadan shaqsiyaadka caqabada ku ah sharciga ee abuuraya sicir bararka’’

‘’Waxa ay amar u qabaan inay la tiigsadaan sharciga Bankiga Dhexe ayaa ka jawaabi doona cidii is hortaag ku sameysaa waayo dhibka ay dadka ceynkaasi ah ku hayaan dalka inaga ayaa og’’

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali, waxa uu sheegay in sicir kororka ku yimid Shilin Soomaaliga ay ka dambeeyan shaqsiyaad dambiilayaal ah oo qalqal gelinaaya nolosha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay muhiim tahay in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan ciddi ka shaqeysa sare u kac ku yimaada lacagta shilin Soomaaliga ah.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali, wuxuu markale ku wargeliyay bulshada Soomaaliyeed in loo bedeli doono lacagahooda marka dalka laga dhaqangeliyo lacagaha cusub ee la qorsheeynayo in la soo daabaco, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa cadeeyay in lacagaha cusub aan lasoo daabici doonin muddo hadda dhow, balse inta aan lasoo daabicin ay usii gogol xaari doonaan hanaanka lagu dhaqan galin laha lacagta cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com