Kenya oo hakisay dhismihii darbiga xuduudda xilli uu jiro heshiiska Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Fariida Karoney oo ah wasiirka arrimaha dhulka ee Kenya, ayaa sheegtay in la hakiyey hawlihii sahminta iyo dhismaha derbiga laga waday xuduudka Somalia, kadib, markii la waayey kharajkii lagu socodsiin lahaa.

Waxay tilmaamtay in la dhisay 24 km oo ka mid ah 150 km ee uu ka koobnaan doono dhismaha derbigaasi, iyadoo sahminta iyo khariidaynta mashruucaasi la bilaabay sannadkii 2016-kii.

Dowladda Kenya waxay u qoondeysay in ka badan 5.6 billion oo dollar, si loogu calaamadeeyo, looguna dhiso xuduudaha caalamiga ee ay Kenya la leedahay Somalia iyo dalalka kale ee deriska.

Hadalka ka soo baxay dowladda Kenya waxa uu ku soo beegmay heshiiskii madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay dabayaaqadii bishii Maarso ee sannadkan ku gaareen in gebbi ahaan la joojiyey dhismaha derbiga laga dhisayo xuduudka labada waddan, kaasi oo xiisad diplomaasiyadeed iyo mid amni-xumi ka dhex abuuri karta labada waddan, gaar ahaan deegaanadda ku teedsan xuduudka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com