Gaabis ku yimid dagaalkii Al-Shabaab iyo Macallimuu oo war kasoo saaray (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac horleh ka muujiyay gaabiska maalmihii dambe ku yimid dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in hakad ku yimaada dagaalka Khawaarijta ay fursad u siineyso dib usoo rogaal celinta argagixisada jabka xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

“Hakad uu galo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxeey siineysaa fursad ay dib isugu urursadaan, kadib jabkii cuslaa ee soo gaaray. Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa!,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Hadalka Macalimuu ayaa imanaya ayada oo la dareemayo in uu hoos u dhac ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo markii hore kasoo billowday deegaanada gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale maalmihii dambe faarujiyey deegaano iyo magaalooyin ay ka qabsadeen Al-Shabaab, taasi oo dagaalka lagula jiro kooxdan ka dhigeysa mid aan dhamaad laheyn.